WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi Xiiso leh:-waa sidee xaalada Soomaaliya 20 sano kadib.

Jabuuti ( HM) Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadow oo kamid ah Gudiga Wadahadalka DF Soomaaliya iyo  maamulka Somaliland, Sidoo kalana horay usoo Noqday Musharax Madaxwayne, Kana mid ahaa Siyaasiyiinta inta badan aan ka Bixin Soomaaliya ee sida wayn ula socda Xaalada dalka oo Waraysi Xiiso badan uu Barmaajijka Dhulmar ee ka baxa Horufadhi Media isla markaana uu waraysiga la yeeshay Wariye Saleebaan Xaashi.

Ugu horayn wuxuu ka  hadlay Xaalada Soomaaliya ay marayso Wakhtigan, Wuxuuna sheegay inay Jiraan arimo badan oo laga gaabiyey kuwaasi oo lagu Qaban karay  Muddo 20-sanno ah,  Kadib shirkii Carta ee lagu soo dhisay Xukuumadda Soomaaliya oo Muddo Toban Sanno ah Hawada ka maqnayd.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA

Dr. Baadiyow ayaa ka hadlay Waayihii kala duwanaa ee dalku Xiligaasi soo maray, Wuxuuna sheegay in lasoo maray Halgan kala duwan, Wuxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa iyagu Gacmahooda ku istaagay, iyadoo aysan jirin Dawlad gacan qabatay.

“20-Sanno ayaan ku jirnaa 4.5 [Qaadhaan Beeleed]  , sow in la qiimeeyo maaha,  Xagee maraysaa Dawladnimadii,    Markaasi xal ayuu ahaa Qaadhaan Beeleedku ,   Waxaasi inaysan shaqayn doonin waa la ogaa, 20-sanno ayaa lagu dhexjiraa markaa Musaalaxo way dhaaftay”. Ayuu yidhi Baadiyow.

Waraysiga ayaa wuxuu sidoo kale uga hadlay Dr. Baadiyow Arimo ay kamid yihiin Waxyaabaha laga Gaabiyey ee la qaban karay Muddo 20-sanno

“Waxaa la yaab leh in dad badan oo Soomaaliyeed ay la yartahay 20 Sanno, Qaarbaa leh xamar baa Doorasho ka dhacday,  hada ogow Silig dhexdii ayaa lagu doortay, iyadoo ciidan Ajnebi ah ilaalinayo, Qaar baa leh maamulo ayaa la dhisay,  Balse ma shaqeeyaan maamuladu ?  Dadka Qaarbaa leh Dawladda ayaa  la aqoonsaday 2013-kii,   Laakiin ilaa hada sow Madaxtooyadda , Garoonka iyo Dekedda sow ciidamo Ajnebi ah ma joogaan,  Meeshii laga yimid marka la eego wax baa la qabtay, Balse in 20-sano waxay ahayd in La dhiso Ciidamo Soomaaliyeed, oo Alshabaab dalka laga saaro, oo dhaqaalahu kor aado,” Ayuu yidhi Baadiyow.

SOMALI NEWS

To Top