WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:-Faysal Cali Waraabe oo xaqiijiyey dhimashada Wiilkiisii ka tirsanaa ururka Daacish-Video

Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Maamulka Somaliland, ayaa ayaa sheegay in sanadkii iminka uun dhamaaday ee 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. Xuseen waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

SOMALI NEWS

To Top