WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida & Sucuudiga oo fasaxay Xoolihii Soomaalida-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay si KMG ah xayiraadii uga qaadeen xoolaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya oo dhowr jeer ay u saareen xayiraado xilliyo kala duwan.

Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in la qaaday xayiraadii Xoolaha looga keeni jiray Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasaaradda ayaa sheegtay in ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah looga soo dhoofin doono Soomaaliya muddo muddo 30 maalmood gudahood.

Tallaabada xayiraada looga qaaday xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo ayaa waxaa soo dhoweeyay Ganacsatada Soomaalida ee xoolaha u dhoofiya Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa la xusuustaa in sanado ka hor dib u soo celiyeen Xoolo looga dhoofiyay Soomaaliya, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay ay hakiyeen xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top