WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay dagaalka lagu hoobtay ee Itoobiya ka socda-Video

Addis ( HM) Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa diiday cadaadis kaga yimid beesha caalamka oo ku saabsanaa inuu soo geba-gebeeyo dagaalka gobolka Tigray, waxaana ay ciidamadiisa qaadeen tallaabooyin ka daray xiisadda.

Ilo-wareedyo militari iyo kuwa diblomaasiyadeed ayaa sheegay in ciidamada cirka Ethiopia ay si xooggan u duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

 “Waxaan leenahay ‘waqti na siiya’. Ma qaadan doonto ilaa abid… waxa uu noqon doonaa howlgal kooban,” waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda ee howlgalka gobolka Tigray.

“Marna ma weydiisan Uganda ama dal kale inay na dhex-dhexaadiyaan,” ayuu yiri Ridwan, kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia kana codsaday inuu dhex-dhexaadiyo.

Ciidamada cirka ayaa xirmooyin bambooyin ah maanta ku riday gudaha iyo hareeraha magaalada Mekelle.

Boqolaal qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana ku barakacay 25,000 oo qof, hase yeeshee Abiy ayaa ku gacan seeray inuu joojiyo.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta sheegtay in ay qabsatay magaalo kale oo ku taal woqooyiga gobolka Tigray ka dib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal culus ka socday waqooyiga dalkaas kuna sii fiday wadanka dariska la ah ee Eritrea.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddi howleed uu soo saaray Abiy si ay ula tacaalaan jawaabta dowladda ee dhibaatada, ayaa sheegay in ciidamadu “ka xoreeyeen” magaalada Alamata kooxda TPLF. “Way carareen, iyagoo watay ku dhowaad 10,000 oo maxbuus,” ayay hadalkooda raaciyeen mana aysan sheegin halka ay aadeen.

Isgaarsiinta oo inta badan hawada ka maqan warbaahinta gudaha iyo tan dibada si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashooyinka ay sameeyeen labada dhinac.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top