WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay Colaadii Ceel-afweyn oo dib usoo cusboonaatay-Video

Ceerigaabo (HM ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag, Kadib markii maalintii shalay uu halkaasi dil Qorshaysan loogu gaystay Nin Sooman.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaalle ayaa ka hadlay Dilkii maalintii shalay ka dhacay Deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag, Wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la Aqbali karin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Suldaanku Wuxuu sheegay inay soo Qaban doonaan Ninka Falkaasi gaystay, Si cadaalada loo horgeeyo, Wuxuuna Codsi iyo Tacsi u diray Ehelada Wiilka Geeriyooday, Wuxuuna ku baaqay inay siiyaan wakhti ay kusoo Qabtaan, oo ay is xakameeyaan.

“Waa Geeri Naxdin iyo Argagax nagu Abuurtay, Gacan ka xaqdaran ayaa dishay maalin Ramadaan ah, Waa dilal soo jireen ah oo aagaasi haystay oo Heshiis badan laga galay, Maanu Filaynin inuu maanta dil dhaco, Hadii aanu Nahay Beesha Biciido/Habarjeclo waxaanu balan Qaadaynaa inaanu gacan bir ah wax uga Qabano.” Ayuu yidhu Suldaanku.

SOMALI NEWS

To Top