WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo waxana Garoonka diyaaradaha shaati Guduud ku soo dhaweeyay xubnaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo xubna kale oo maamulka katirsan.

Ujeedka Guddiga ee gaaray Baydhabo ayaa ah dardar-gelinta shaqooyinka Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Baydhabo.

Xubnaha ayaa sidoo kale kulamo ay la qaadan doonaan Madaxweyne Cabdcasiis Xasan lafta-gareen iyo xubnaha Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay kala hadli donaan qabashada doorashada Aqalka sare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Si kastaba Maamulka Jubbaland oo kaliya ayaa qabtay doorashada Aqalka Sare, halka weli uusan jirin dhaq-dhaqaaqyo kale oo ka socda maamul Goboleedyada oo ku aadan qabshada doorashadaas oo dib u dhac ku yimid.

SOMALI NEWS

To Top