WARARKA SOOMAALI

Video:-Wadooyinka Hargeysa oo godad iyo qashin qub isku badelay.

Hargeisa  (HM) Magaalada Hargeisa waxaa Bulshadu ay siwayn uga Cabanaysaa Wadooyinka kala duwan ee dhexmara magaalada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xoghahaya Arimaha Bulshada ee Xisbiga Wadani   Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa  u kuurgalay Wadooyinka , Wuxuuna Socod oo ku maray Qaar kamid ah Wadooyinka Waawayn ee Halbowlayaasha u ah magaalada Hargeisa.

Maxamed Sidiiq Dhamme  Wuxuu Madaxwayne Muuse Biixi usoo jeediyey inuu la Xisaabto golaha deegaanka iyo maamulka gobolka.

“Halkani Waa Jidka Hormara Ciidamada dab damiska ah, Wadadu maaha mid laga maarmi karo,  Balse Gaadiid badan ayaa dhibaato badan ku Qaba Laabta,   Lamana dhigo Jid tayyo leh, Marka uu Roobku soo Da’o lama mari karo, Wadooyinkii magaalada Hargeisa waxay Noqdeen Xabaalo, Lama dhiso Waddo Tayyo leh”.

“Halkani waa muraayadii dalka,  Ummadda waxaan usoo jeedinayaa inay Xisaabtamaan, Waa in Canshuurtu ay gashaa oo ka muuqataa Caasimadda, Balse maanaha in dad gaar ah ay Wadooyin ka dhistaan”. Ayuu yidhi Sidiiq Dhamme.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top