WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wadka la arkaa Baqdin leh Goob jooge weerarkii PIZA House iyo wuxuu indhihiisa ku arkay….

Dadku waa ay faraxsanaayeen, intooda badan waxa ay isku ballansadeen maqaaxida PIZA House, iyaga oo raba in ay halkaa caawa cawaysin iyo afur ku wada qaataan. Mar ay ku taagnayd saacaaddu 5:10 daqiiqo ayaa uu ila soo hadlay saaxiibkay Omar Abdullahi aniga oo jooga maktabadda Ifiye. Omar Abdullahi oo ii sheegay in aan maanta wada afurayno oo aan iskugu nimaadno Piza House.

Waan ka aqbalay saaxiibkay in aan maanta ku wada afurno sidii maalintii sii horraysay aanu ugu wada afurnay. Dhalinta waxa ay u wada fadhiyaan laba iyo wixii kaa badan. Waana na loo addimay makhrib , markaasaanu afurnay, si nabad ku jirto, afurkii markii aanu laasannay ayaaun kacnay salaaddii makhrib , maqaaxiduna waxa ay leeday masaajid lagu tukado. Salaaddii waanu ka soo laabannay, cabbaar waanu yara fadhinnay intii afurku naga dagayey, kadib ayaa haddana naloo keenay cashadii, waanu iska cashaynay si nabad ah.

Saaxiibkay waxa u soo dhacay taleefan, waxa soo wacay wiil ay walaal ahaayeen oo ka qaxwaynayey maqaaxida ka soo hor jeedda ee Boosh. Waxa yar kadib ayaa uu saaxiibkay igu yidhi aan u wada tagno kadib baynu kusoo laaban Piza e’.
waayahay baan idhi, waanu baxnay oo tagnay maqaaxida oo laba tallaabo u jirta kana soo horjeedda, markii aanu sidaa u galnay asxaabtii la fadhiday ayaan is qacan qadnay oo kuraas ku fadhiisannay; isla fadhiisagii iyo marka aan koob sharaab ah(Xabxab ah) ku shubtay bekeeri yar oo hal mar kabaday ayaa nin ordayaa noo soo galayoo cumaamad sitaa waan yara dhaaddanaa aniguye, Cumar baa yidhi ninku maxaa uu degdeg nooga eegay oo uu la laabtay , anna waa iska qurba joog oo shaki lagama waayayo ayaan hoos isku yidhi, dhegna umaan dhigin. Ogow oo hal mar baan koobkii qaraha ahaa kabbaday oo mar labaad ahayn , markaas baan cumar ku idhi walaal innagu celi halkeennii aan iskaga sheekaysannee iyo waayee yara sug aynu baxnee.

Hal mar ayaa jug wayn oo gurigii nagu soo dumisay dhacday , illaa qofkii aanu wada joognay is arki waynay , waxa xigtay qaylo rag iyo dumar ah , waxa sii xigtay xabbad la moodo in dadka ay aamusiinayso, qayladii baxdaba xabbad baa aamusiinaysa , naxdin waynaa , wadka aan la arag macaanaa; xumaa qof u socda in uu adiga ku dilo oo ay guul u tahay , kaba sii daranaa marka aad waydo meel aad kaga gabbato, kaba sii xumaa marka aanad haysan wax aad iskaga dufacdo, raagid badanaa ciidanka dawladdu , ashahaadda jadiidin ogidaa , mad ashahaadanine ashahaado iyo ducadee jannada lagu galaa dhimataybee. Suuradda iyo ducada aad hoosta ka waddaa waa qaar isku qasan oo aanad kala saari karahayn.

Xabbaddu waa ay sii badatay , waxaa ba ka sii darnaa banba gacmeedka dadka meel galay lagu tuurayo, anagu waxa aanu ku jirnaa qol nagu soo dumay oo jiingadaa na dul saaran , waxa aanu qolka kaga sugnayn miis maro ku dadantahay oo aniga iyo Cumar baa ku hoos jirna, sidii baanay xabbaddu dhacdaa u haysaa , waa shicibkii iyo dadkii weerarka soo qaaday , askartii maqaaxidu qaraxii bayba ku le’deen mar hore , waxa bacdaa lagu hayaa waa dhalintii, oohintii aan maqlayey waa ay joogsatay , jabacda jiingadda ayaan moodayaa qof soo galay, dhuuntu waa ay i qallashay hadalka aan hoos ugu leeyahay ma maqlayo Cumar isna maxaad tidhi buu i leeyahay. Waxa aan anigu go’aan ku gadhay in aan miiskan hoostiisa ku bixin ee aan dibadda ku dhinto illeen nolol danbaba maan go’aansne, laakiin waxa i haya Cumar oo leh ; Illaa ay askarta dawladdu innoo timaaddo bixi mayno’. Waanan ka yeelay

Taleefankaygii waa soo dhacayaa se gariir baa amarka ilaahay uu iskaga xidhnaa, se waxa igaga werwer badnaa mid qof kaga dul cararay miiskan yar ee aanu ku hoos jirno, kaas oo ahaa taleefannada yaryar ee codka dheer , habeenkii xalay ahaa waa iga dulqaylinayey. Ducada aan ku ducaysanayo in aan badbaado waxa kale oo aan ku ducaysanayey in aan taleefankaa cid soo wicin, marka uu aamuso kayga ayaa soo dhacaya se waxa aan moodayaa haddii naftii hurayaashii noo soo galaan in ay kayga maqli doonaan. Haddana neeftuurkaaga ayaad moodaysaa in la maqli doono. Waxba yaan hadal kugu daaline halkii aanu galnay salaaddii cashaayin waxa aanu ka baxna tobankii habeennimo(afar saac habeennimo) ku dhawaad laba saacadood baan hal xubin aanad dhaqaajinayn. Mar danbe oo aan nafta ka quustay baan arkay in kabahaygu hoosta ka cadcadyihiin, miiskuna aanu qarinayn , saacad dhan baan ka welwelsanaa midabkaa meesha fog laga soo arkayo iyo iibkooda wax ii geeeyey .

Alxamdulillaah waanu soo samata baxnay labadaydii nin iyo dad badan, ha yeeshee markii aan albaabka marayo ayaa qof wax badan gaadheen askartu tidhi qabta oo dadkoo dhan ka baqanayeen sida uu noqday awgeed, qabadaan is yidhi lugha, labdaydii qamcood waxa ay dhex xuleen jiidhkiisa iilla ay ka gaadheen lagtiisa oo wax ku noolayn; aniga oo ah dadka aan xejin ilmada ayaa ay shagax iga soo tidhi.

Alle waxa aanka baryayaa in uu ummadda ka dulqaado dhibtaas. Habeenkii xalay ahaa maskaxdayda waxa si darandoorri ah ku soo laablaabanayey dadkii aanu farxadda ku afuraynay oo qaarkood oohintooda iyo marka xabbad bush tidhaa iigu war danbaysay. Alle ha u naxariisto intii dhimatay, intii dhib ku dhacday Alle ha ka samata bixiyo

Goobjooge qaraxii xalay:- Garaad Yoonis Gajoome.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top