WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Umal oo fariin u diray siyaasiyiintii diiday muxaadiradiisii Muqdisho ee la baajiyey-Video

Muqdisho (HM)– Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo tafaasiil dheeraad ah ka bixinaya qaabkii ay ku timid baajinta muxaadaradiisa magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu ku lifaaqay danaha is-jiiriya ee aduunka ka leeyahay waddanka.

“Waxaa kaleeto oo markaas soo baxaya ood arkeysaa oo muuqanaya ajandayaal fara badan ayaa dalka ka socda iyo dano badan, Aduunka inta badan sidaas iska ah, Ruux mar haduu kufo ama wadanku kufo ama bur buro. Aduunka maanta waxaa heshiis lagu yahay halaga shaqaysto, Haloo daneeyo maahan ee waa halaga daneysto,” ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: “Sidaas la’ajligeed, waxa ajande socda meshaas iyo inta hay’adood iyo inta dowladood iyo balaayo iyo waxa qarsoon iyo waxa ka jira waxaad xisaabin karto maahanba. Meelaha qaarkood dalka ka mida waa lama galaan waxaa ka jirana lama oga iyo wax ka socda.

“Marka boqol ajandaa is jiiraya, boqol danaa socda,boqol maxay ahaydoo faragalin ayaa socota. Waxaas oo dhana sida qaalibka ihi waxay u socdaan waxa weeye inaysan umadaan burburtay aysna mar labaad soo kicin,” ayuu daboolka ka qaadey wadaadka.

Wadaadka oo Muqdisho geeyay lacag badan oo ay kasoo uruuriyeen Guddi uu kamid yahay oo Nairobi ka yimid ayaa sheegay in ajendeyaasha qaarkood ay “fulinayaan” dad Soomaali ah, iyaga oo xeerinaya dano shaqsiyadeed.

HALKAN KA DAAWO

“Ajandayaashaas qaar ka mida waxaa fulinaya kuwo dalka u dhashay oo la isticmaalayaa oo umaddo kale u daaban ayaa ajadayasha fulinaaya ama dhuuni qatayaal ah ama fahamka ama fiqigu halkaas ka galay ama ay ka tustay inuu halkaas wax ku heli karaayo ma kursi ku helaayo markaaba marka way soo baxaysaa ama dareenka dadka ama way kuu muuqaneysaa inuu yahay wadankani wadan loo tashaday,” ayuu caddeeyay.

Mar uu dul istaagay muxaadaradii laga baajiyey oo timid markii Sheekh Soomow oo Suufi ah uu qaadacay, Umul oo horey u tanaasulay si looga fogaado dhibaato ka dhalata ayaa ka digay sii socoshada dagaalka ku saleysan Diinta.

“Waxaa kasoo baxay sidoo kale ee iyadana soo baxday qaasatan baaqitaankii muxaadarada waxaa kasoo baxday in ay dacwadaan Sunada ah ee umadaan Ilaahey ku bad baadiyey Tabaaraka watacaalaa, Ilaahay sababta uga dhigay qaar fara badan Diintooda u hagaajisay, Dumarkii xijaabtay masaalix fara badan ummada u keentay. Dacwadaa iyada ah cadowgeedu inuu u badan yahay oo mar marka qaarkood xitaa laba cadow ah ay isku kaashanayaan ayadana waa ay soo baxday,” ayuu tibaaxay.

Wadaada qaar ee ka dalka ku sugan ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay Diinta siyaasadeeyeen, iyaga oo baadigoobaya xil ay ka helaan dowladda.

“Soomaali Shiicowday iyo qolo mowjadii kacdaba fuusha oo kursi ka raadiya oo Siyaasiin ah. mowjadii kacdaba kursi bey ka dhex arkaan markaaseey isku dayaan iney fuulaan oo kursiga ku gaaraan iyo kooxdii wadanka nabad galyadiisa qaseysay ee Al-Shabaab bal ka waran intaasi hadey meel isugu yimaadeen?” ayuu is-waydiiyey Sheekh Umul.

Inta badan dadka kasoo horjeestay muxaadaradda Umul oo Soomow safka hore uga jiro ayaa ku doodayey in Sheekh Umul markii dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed la doortay uu baneeyay dhiiga Suufiyiinta.

“Hadey Al-Shabab iyo Suufi isku yimaadeen oo ay Shabaab iyo kuwii Sanaadiqada ahi isku yimaadeen oo kuligood ay dagaal ku hayaan calaashaan Muxaadaradaasi yeyna dhici, maxaa ka dhaxeeya bal adigu isweydi? Wax kale oo ay isugu yimaadaan ma jiro,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay “shakiga” lagu furay muxaadaradda Umul, wallow madaxweyne Farmaajo kahor inta uusan soo bixin go’aanka joojinta la hadlay wadaada Suufiyiinta kuna qanciyey.

“Bil macnaa meeshaa waxaa ka muuqda, yacni muhiimadu waxaa weeyaan dacwadaan Sunada ah ee ummada barbaarineysa, Ummada wax bareysa ayaa kuli cadow lala yahay Mas’aladu maahan wadaadkaan maskiin ka ah ee meesha siyaarada ku tagay ma aha,” ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: “Laakiin mas’aladu waxa weeyaan wey ka durug san tahay, yanci dagaalku wuxuu ku wajahan yahay meel ka shisheysa. Arin-taasina runtii waa arin soo baxdoo aad ka aragteen social media-yaha.

Gabagabadii, Sheekh Umul oo ka jawaabay siyaasiyiinta ka falcelisay muxaadaradiisa la baajiyey ayaa hordhigay su’aal adag.

“Dadka dagaalka ku jira markaa fiirisaan intaas ayey ka kooban yihiin, qaar badan oo siyaasiin soo maydaan arag oo dagalka qeyb ka ah, War siyaasiyoow muxaadiro la dhigaayo maxaa kaa galay, miyaad garan kartaa adiga. Waxaas oo dhan baa marka waxay isku kaashanayan yacni barnaamijka halaga hor tago”.

SOMALI NEWS

To Top