WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbiyada Siyaasada & Shacabka oo ka qayliyey dhul boobka Muuse Biixi.

Hargeisa ( HM ) Xisbiga Wadani ee Soomaliland ayaa Dhaliilo Cusub u jeediyey madaxwayne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ugu horayn ka Jawaabay eedaymo Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Warfaafinta kuwaasi oo C.raxmaan CIrro ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dib u dhaca Doorashooyinka uu Mudooyinkii dambe Muranku ka taagnaa.

Dhinaca kale Barkhad ayaa sheegay in Xukuumaddii Somaliland ka dhalatay 2017, Dadkuna ay Rajada ka qabeen ay Noqotay Mid ku kooban Boobka “BALOODH IYO BEER” Sida uu hadalka u dhigay.

SOMALI NEWS

To Top