WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbiga Waddani oo jawaab kulul siiyey Xukuumadda Muuse Biixi-Video

Hargeisa ( HM ) Xoghayaha Xisbiga Wadani oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa si adag Xisbigooda uga difaacay Dhaliilo uga yimid Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Madaxtooyadda Somaliland waxaa Fadhiya Madaxwayne Dulqaadka u yaqaan Doqoniimo,    Hadii aad eegto Nidaamka Dawladnimo Rukniga koobaad ee Dulqaadka,    Diinta Islamaaka  ee aynu Haysano Qur’aanku 103-Jeer ayuu ka hadlaa Dulqaadka,  Sifooyinka Alle  oo ah Boqorkii Dunida ah, ayaa waxaa ku jirta Dulqaad badane iyo Samir Badane, Inagana Miskiin Xukuma inta yare e Somaliland ayaa yidhi Dulqaadku waa Doqoniimo, waana mida aynu madaxa maanta iskula jirno.”

Mar kale ayuu ku celiyey Sida xal looga gaadhi karo Xiisada Gobolka Sanaag iyo  Arinta Kornayl Caarre  “Arinta Caarre mar kale ayaanu ku celinaynaa Xal keedu waa Wadahadal, Xigmad iyo Dulqaad in lagu Xaliyo,  Waxaana muuse biixi usoo jeedinayaa inuu Barto in Dulqaadku aanu ahayn  Doqoniimo”. Ayuu yidhi Xoghaya Xisbiga Wadani.

“Waayadan waxaa soo baxay dhaqan ay lasoo baxeen  Wasiiraddu, Horay wasiirku wuxuu u yidhi Xisbiga Wadani waa Soomaaliwayn,    Isagoo dayacay Wasaaradiisii Warfaafinta,  Waa Nin Murqaan hadlay,   Run ahaantii waanu ka gaabsanaynaa inaanu u Jawaabno, Laakiin Hadalkii shalay ee “ Caarre waa Farac ka baxay Xisbiga Wadani “ Waa ninkii Maydku ka dhacay ee yidhi Haduu sii go’ay,  Shacabka oo dhan ayaa ka makhraati ah.”

“Wuxuu  sidoo kale sheegay in Wasiirka Waraafinta hadalkiisu  uu dhibaato u Horseedi karo Ciidamada, Iyadoo hadalkii wasiirku ka dhigan yahay,  In Ciidamada ay isku haybta yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ay u shaqeeyaan C.raxmaan Cirro, Qofka masuulka ah marka uu hadlayo  waa inuu gartaa Waxa uu ka hadlayo, oo miisaan uu hadalkiisu yeesho”. Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga wadani.

Wuxuu dhaliilay Xukuumadda Somaliland,  isagoo sheegay dhaliilo badan leedahay “Xukuumaddu maanta way qaawan tahay, Anagu diyaar uma nihin inaanu Asturno ee waanu sii Qaawinaynaa, Balse iyagaa laga rabaa inay xal keenaan.”.

SOMALI NEWS

To Top