WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbi Siyaasadeed weerar ku qaaday imaaraadka Carabta-Video

Hargeisa ( HM ) Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada gaadheen Labada Xisbi ee UCID Iyo Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cismaan Afgaab Nuur Gudoomiyaha Gollaha dhexe ayaa ku tilmaamay Arintaasi Sharci darro iyo Fool Xumo, Wuxuuna sheegay inaysan Somaliland ka dhici karin Doorasho aanu Xisbiga Wadani Qayb ka ahayn.

“Waxaa muuqata in Xisbiga Kulmiye uu Qaadayo Tallaabo aan fiicanayn, oo Khalkhal Abuuraysa, Muuse Biiixi wuxuu kasoo noqday Imaaraadka, Waxayna kamid tahay go’aanadii uu kala soo noqday”.

Wasiirka Arimaha debedda Somaliland wuxuu sheegay markii ay kasoo noqdeen imaaraadka inay kusoo heshiiyeen la dagaalanka Argagixisada, Balse halkan culayskaasi kama jiro ee waa in lala dagaalamo Shacabka Somaliland ” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxaa xisbiga Wadani eedaymo kulul u jeediyey Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inay Faragelin ku hayso Arimaha Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top