WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland xiisad ka taagan Nin la sheegay in Jabuuti loo dhiibayo iyo Kaahin oo ka hadlay-Video

Hargeisa ( HM ) Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay arimo kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kaahin ayaa ka hadlay Arimaha Doorashada Golaha deegaanka oo Wakhtigoodii ka dhamaaday, iyo Arinta muranku ka taagan yahay ee Komoshinka Doorashooyinka oo Wakhtigoodu dhamaaday, Wuxuuna xusay inaysan cidna gef ku ahayn in la Qabto Doorashada.

Wasiirka arimaha Gudaha ayaa sidoo kale wuxuu meesha ka saaray Arin maalmihii lasoo dhaafay Kacdoon ka dhalisay Hargeisa, taasi oo ku aadan dalka Jabuuti loo gacan gelinayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Wuxuuna yidhi “Ma hayno Waaran Lagu soo xidhayo, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle , Arintaasi waa la been Abuurayaa, Cida sheegaysaa waa dad ujeedooyin kale leh”.

 

SOMALI NEWS

To Top