WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo wafti u diraysa caleema saarka Axmed Madoobe-Video

Hargeisa ( HM)  Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  ayaa sheegay  Inay Wafdi u diri doonaan  Caleemo-saarka Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Dood ay ka taagan tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar la waydiiyey inay ku Milmayaan Arimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ayuu sheegay inay Halkaasi kasoo iibin doonaan Qadiyadda Somaliland, wuxuuna sidoo kale xusay inay tagi doonaan Koonfur Galbeed , Muqdisho iyo Hirshabeelle.

Caleemo-saarkii la doonayey inuu Qabsado Madaxwaynaha Jubbaland  ayaa dib u dhacay kadib Culays uga yimid dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya,  oo Sharci darro ku tilmaantay Doorashadaasi.

Boqor Buur-madow ayaa Horay loogu xidhay Munaasibad uu Puntland uga Qayb galay, Sidoo kale waxaa Jirta dad lagu xidhay inay Muqdisho tageen ama Sawir lasoo galeen Madaxda DF Soomaaliya, Balse Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland ayaan Sharcigaasi qaban inta badan.

SOMALI NEWS

To Top