Hargeisa ( HM) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay Inay Wafdi u diri doonaan Caleemo-saarka Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Dood ay ka taagan tahay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mar la waydiiyey inay ku Milmayaan Arimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ayuu sheegay inay Halkaasi kasoo iibin doonaan Qadiyadda Somaliland, wuxuuna sidoo kale xusay inay tagi doonaan Koonfur Galbeed , Muqdisho iyo Hirshabeelle.
Caleemo-saarkii la doonayey inuu Qabsado Madaxwaynaha Jubbaland ayaa dib u dhacay kadib Culays uga yimid dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo Sharci darro ku tilmaantay Doorashadaasi.
Boqor Buur-madow ayaa Horay loogu xidhay Munaasibad uu Puntland uga Qayb galay, Sidoo kale waxaa Jirta dad lagu xidhay inay Muqdisho tageen ama Sawir lasoo galeen Madaxda DF Soomaaliya, Balse Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland ayaan Sharcigaasi qaban inta badan.