WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo si kulul loo cambaareeyay kadib sii deyntii Maxaabiistii Hargeysa ku xidhnaa-Video

Hargeysa (HM) – Dowladda Seychelles ayaa si xoogan u cambaareysay illaa 19 Maxaabiis ah oo loo heystay Burcadbadeednimo, kuwaas oo uu dhowaan madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyey cafis, lagana sii daayey xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalkaasi ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka baxday heshiis ay horay ula gashay Seychelles, kaas oo ku aadanaa in Maxaabiista lagu eedeeyey Burcadbadeednimada ay ku sii jiraan xabsiga inta ay ka dhameysanayaan xukunka ku dhacay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Seychelles ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay tallaabada lagu sii daayey Maxaabiistaasi ee dib loogu siiyey Xorriyadooda.

“Sanadkii 2011 waxaan kala saxiixanay heshiis isfaham oo la xiriiray iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaaraya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada Somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxaabiista la sii daayey ay xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30, 36 illaa 42 sano, islamarkaana ay hadda xirnaayeen kaliya sagaal Sano.

Ugu dambeyn Seychelles ayaa shaacisay in tallaabada ay qaaday Somaliland ay jabisay sharciga la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

SOMALI NEWS

To Top