WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo ku adkeysatay inay wafti u dirayso caleema saarka Axmed Madoobe.

Laascaanood ( HM) –Maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay wefti u diraysa koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ka qayb-galaya caleema-saarka madaxweynaha Doorashadiisu Muranka dhalisay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah weftiga tegi doona Kismaayo, ayaa sheegay in ay tagayaan caleemasaarka Axmed Madoobe isaga iyo shan qof oo kare oo ay ku jiraan xildhibaano, wasiirro hore iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in iyagu ay ka codsadeen Axmed Madoobe in uu ku casuumo caleemasaarkiisa, isaguna ka aqbalay.

HALKAN KA DAAWO

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa toddobaadkan sheegay in Xukuumadda Hargeysa ay wefti halkaasi u dirayso.

Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo waxaa ku Gacan saydhay   Dawladda Federaalka oo sheegtay inaysan Aqoosanayn, Waxaana sidoo kale Fursado siyaasadeed ka dhigtay Xisbiyadda Mucaaridka ee dalka dhaca Geeska Africa ,sidoo kale hadalkan  kasoo yeedhay maamulka waqooyig ee iskii Madax banaanida u sheegtay ayaa waxay u muuqataa kuwo ka faa,iidaysanaya carqalada siyaasadeed ee ka aloosan Gobalka Jubadda hoose.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top