WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland golaha Guurtida oo wakhtiga kordhistay mudo 2-sano ah-Video

Hargeisa  ( HM) Waxaa maanta magaalada Hargeisa kulan lu yeeshay Golaha guurtida maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland, Waxayna ka doodeen  Mudo kordhinta Golaha guurtida Somaliland iyo Baarlaaanka, oo  dhowr jeer  horay loo kordhiyay muddo Xileedkooda .

Ugu dambayntii waxaa lagu dhowaaqay in  Golayaasha wakiilada iyo guurtida ee Somaliland mudo kordhin Cusub  loo sameeyay.

HALKAN KA DAAWO

Golaha wakiilada [Baarlamaanka] Somaliland waxaa loo kordhiyay mudo labo sano ah ,halka Golaha guurtida na loo kordhiyay mudo sadex sano ah .

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa jiray dood ka taagnayd Qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Golleyaasha deegaanka,  waxaana Muddo kordhintan ay Weji cusub u yeeli doontaa Murankiii ka taagnaa Doorashada.

Gollaha Baarlamaanka Somaliland la doortay 2005-tii, Waxaana intaasi kadib ay ku joogeen Shirciyad Muddo Xileedka loogu kordhinayey, Halka Golaha guurtidu uu noqday mid la kala dhaxlo oo doorasho aysan ka dhicin.

 

SOMALI NEWS

To Top