WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Baashe Maxamed Faarax oo Muuse Biixi ka codsaday in Habeen Casho ah loo sameeyo Daraawiish-Video

Hargeisa (HM ) Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo xalay hadal ka jeediyey Xaflad lagu Qabtay Hargeisa ayaa ka codsaday Madaxwaynaha Somaliland In Habayn Casho ah loo sameeyo Taariikhda Halgankii Daraawiishta.

“Madaxwayne Waxaan rabnaa in la xuso Saddexda Taariikhood, 26-June xaflad Casho ah ayaa loo sameeyaa, 18-May Xafladii waynayd ayaynu ka dhiganay, Daraawiishta iyadana waa in Casho loo sameeyo ” Ayuu yidhi Baashe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Baashe ayaa ka dooday inay 18-May tahay Maalin la wada leeyahay, Islamarkaana ay mudan tahay in la wayneeyo.

Xildhibaan Dhakool oo Baashe ay kasoo wada jeedaan Gobolka Sool, ayaa Hargeisa loogu xidhay dhowaan markuu kasoo horjeestay 18-May, Iyadoona Baashe oo doonayey inuu Booqasho ugu tago laga hor istaagay

SOMALI NEWS

To Top