WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliya, Jabuuti & Kenya oo looga guulaystay hoggaanka IGAD-Video

Muqdisho ( HM ) Urur goboleedka IGAD ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok u doortay inuu noqdo guddmooyiaha cusub ee ururka.

Go’aanka lagu doorto Hamdok, oo ku dhisnaa heshiis ay gaareen dhinacyada, ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa, oo madaxda ururka ay ku shirsan yihiin, waxaana loo arkaa mid xal ah oo xilkan looga dhex bixiyey dalalka Kenya, Jabuuti, iyo Somalia oo aad isugu hayey.

Hamdok ayaa hoggaanka ururka kala wareegay Itoobiya oo haysay tan iyo sanaddii 2010.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Suudaan ayaa xilkan hayn doonto muddo sanad ah, taasi oo ra’iisul wasaare Hamdok siin doonta saameyn cusub, bilo kadib markii uu noqday madaxa dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan kadib xil ka tuuristii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Abiy Ahmed ayaa kursiga ku fadhiyey tan iyo markii uu awoodda la wareegay bishii April ee 2018. Itoobiya ayaa waxaa xilka hoggaanka IGAD tan iyo 2010 u hayey rai’iisul w saareyaashii ka horeeyey Abiy, ee Hailemariam Desalegn iyo Meles Zenawi.

IGAD ayaa ka cabsi qabtay in haddii kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta keentay in la siiyo Suudaan.

SOMALI NEWS

To Top