WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis is afgarad ah gaadhay Xiisadii Baled-Xaawo-Video

Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay xiisada ka dhalatay darbiga dowlada Kenya ka dhiseyso Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay guddiyo Soomaaliya iyo Kenya kala matalayay , waxaana kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka dhalatay bur burinta guryo dad shacab ah ay u geesteen Milatariga Kenya.

Wadahadal saacadpo badan socday kadib ayaa labada dhinac isku afgarteen in la joojiyo dhismaha darbiga Kenya ka dhiseyso dhinaca xadka gaar ahaan Degmada Balad Xaawo ilaa xal laga gaarayo.

Isku duwaha ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in heshiis horu dhac ah laga gaaray xiisadii ka dhalatay darbiga dowlada kenya ka dhiseyso xadka Soomaaliya iyo Kenya Wadaagaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu ugu baaqay Shacabka Degmooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo in ay soo celiyaan walaaltinimadii iyo xiriirkii ka dhaxeeyay, waxa uuna xusay in wax walbo hada xal laga gaaray.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa sheegay in is afgarad kusoo dhamaaday kulanka ka dhacay Mandheera, waxa uuna xusay in uu jiro doono kulamo kale oo arintan ka yeelanayaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.

Milatariga Kenya oo ku hubeesan dabaabaad ayaa maalmo kahor bur buriyay guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaala degmada Balad Xaawo, waxa ayna halkaasi ka qodeen godad waaween si looga dhiso darbi weyn oo difaac u noqda.

SOMALI NEWS

To Top