WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliland sida looga xusay Munaasibadda 26-ka June iyo Muuse Biixi oo garnaqsaday-Video

Hargeisa  (HM) Waxaa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasabad balaaran oo loogu dabbaal-degayay 59-guurada kasoo wareegtay Markii gobolada Waqooyi xuriyada ka qaateen Dowladda Ingiriiska,  Iyadoo Beerta Xoriyadda Hargeisa ay  ahayd halkii ugu horaysay ee laga taagay Calanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadan waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kuxigeenkiisa, Wasiiro , Xildhibaano , Madaxweynihii hore ee Somaliland ,Madaxda sadexda xisbi iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timid.

“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dabaaldega munaasabad 26-ka June ayaa xalay lagu qabtay magaalooyin badan oo Soomaaliya katirsan, waxaana munaasabadan lagu xusayay 59-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobolada Waqooyi ka xuroobeen Gumeysiga.

SOMALI NEWS

To Top