WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaali kasoo hor jeeda xil ka qaadista Trump oo warbaahinta la hadashay & wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda.

Laascaanood (HM)-Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka ayaa Arbacadii isku raacay in xilka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne Donald Trump oo laga gudbiyey mooshin abaabulan.

Go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan xil-heynta Trump waxaa gaaraya Aqalka Sarre oo cod u qaadaya 9-ka Janaayo, 2020.

Saadaasha ayaa muujineysa in Aqalka Sarre uu ka hor-imaan doono xilka ka qaadista Trump, maadaama aqlabiyadda ugu badan ee golaha uu haysto xisbiga talada haya ee Jamhuuriga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xisbiga dimuqraadiga oo maamula Aqalka Hoose ayaa isku soo dabariday soo jeedinta ka dhanka ah Trump.

Eedeymaha ay u cuskadeen xilka ka qaadista Trump ayaa ah laba qodob; in uu ku kacay ku tagri fal awoodeed iyo in uu carqaladeeyay shaqadda Aqalka Hoose.

Hadii ay suurta-gasho in Trump xilka laga qaado, madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa noqonaya sii haayaha, inta laga gaarayo dhamaadka xilheynta oo ah January 20, 2021.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa wuxuu noqonaya madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka xilka ka qaadis lagu sameeyo isagoo uusan ka dhamaan mudda xileedkiisa.

SOMALI NEWS

To Top