Laascaanood (Horufadhi News)-War ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland ayaa laga soo saaray ammaro lagu mamnuucayo hub,Gaadiidka iyo Shirka aan la ogeyn in lagu qabto Magalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Ammaradaas oo ka kooban lix qodob ayaa loo sababaeynayaa xiisada dagaal ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland taas oo weli ka taagan deegaanka tukaraq ee isla Gobolka Sool,iyada oo maalma kahor ay wada dagaalameen.
Hoos Ka Akhriso Qodobada ammarka ah ee ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
1 – Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban sidashada iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda,
2 – Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 – Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool
4 – Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile
5 – Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon
6– Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan.
Ammarkan ka soo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xilli shalay Guddiga difaaca Maamulka Puntland iyana ay dhankooda soo saareen ammaro ku saabsan in Wadada xiriirisa Garoowe iyo laascaanood aysan isticmaali Karin Gaadiidka iyo Shacab intaba.