WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siyaasiga Farax Macalin oo si kulul ula hadlay Kenya-Video

Muqdisho ( HM ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin  oo ka qeyb galay barnaamij uu qabtay taleefishinka Ebru TV ee dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Kenya ay xidhiidhka  ugu jartay Soomaaliya uu ahaa mid aan wax sabab ah lahayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in shirkii London ka dhacay ee shidaalka Soomaaliya ay xogtiisa tahay mid banaanka taalla, islamarkaana wax xaraash xiroomiyin shidaal ah aan shirkaas lagu sameyn.

Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday in waxa dowladda Soomaaliya ay sameysay ay ahayd uruurinta iyo soo bandhigista xogta shidaal ee xeebaha Soomaaliya, islamarkaana ay si ula kac uga leexatay dhul-badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

SOMALI NEWS

To Top