WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sidee u dhacay Caleemo-saarka MW Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Madaxweynaha Dolwad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa mar kale loo dhaariyay xilka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya, si uu shanta sano ee soo socta u hoggaamiyo deegaanka.

Waxaa doortay Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee cusub ee dhawaan la soo doortay oo kallfadhigoodii lixaad si buuxda ugu ansixiyeen.

Mustafe Cumar ayaa horey u ahaa ku simaha madaxweynaha deegaanka Soomaalida kadib markii sannadkii 2018 la xiray madaxweynihii hore Cabdi Muxumed Cumar, isla markaana xilkii sidaa looga qaaday, taas oo sabab ay u ahayd qalalaase ka dhacay Jigjiga.

Waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenkana mar kale loo caleemo saaray Ibraahim Cismaan. sidoo kale waxaa guddoomiyaha baarlamaanka loo doortay Ayaan Cabdi Waamo.

Mustafe Muxumed Cumar wuxuu sannadkii 1972 ku dhashay magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkooda uu u guuray, halkaas oo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO:-Sidee u dhacay Caleemo-saarka MW Dowlad Deegaanka Soomaalida?
To Top