WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Axmed Madoobe oo soo magacaabay xubnaha Aqalka Sare ee ku harsan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartameysa afarta kursi ee ka dhiman Aqalka sare ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa liiska uu soo saaray waxaa labo kursi oo kamid ah u xiray kuna tartamaya Haween, waxa ayna Jubbaland sidaas ku saxday qoondada Haweenka ee laga rabay.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya Leyla Nuur Maax iyo Rareedo Maxamed Sheekh, halka kan labaad ay ku loolami doonaan laba Musharax oo kala ah Ibraahim Owgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi.

Sidoo kale kursiga saddex ayaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga ugu dambeeya ku loolamaya Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali.

Doorashada afartan kursi ee ku harsanaa Jubbaland ayaa la filaya in si deg deg ah uga dhacdo Kismaayo, waxaana hadii la doorto afartan kursi kaliya ka hari doona kuraasta Aqalka Sare labo kursi oo ku harsan Galmudug.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

 

DAAWO:-Axmed Madoobe oo soo magacaabay xubnaha Aqalka Sare ee ku harsan
To Top