WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sidee ayuu u dhacay dilka Guddoomiye Cabdikariin Dhegajuun?

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska dilka Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdikariin Dhegajuun oo horaantii sanadkan magaalada Muqdisho ku dileen ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo xiligaasi la socday howlgalka booliska dilka geestay ayaa Maxkamada horteeda faah faahin badan uga bixiyay sida uu u dhacay dilka Gudoomiyihii degmada Hodan.

Taliyaha waxa uu sheegay in abaara saacadu markii ay aheyd 11:00 Habeenimo iyo wax la jira uu soo wacay Taliyaha Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed uuna u sheegay in ay soo galayaan gawaari sida waxyaabaha maanka dooriya, basle uu la wadaagay Taliyihii qeybta Booliska ee xilka laga qaaday Saadaq Cumar Xasan.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Bashiir Cabdi.

SOMALI NEWS

To Top