WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sida Soomaalida loogu dhagray arrinta dastuurka & maqaamka buuqa abuuray-Video

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Xog badan Xambaarsan oo ku saabsan Dooda ka dhalatay Kuraasta gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka sare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa Qayb ka ah   Khaladaadkii Waawayn ee lagu dhex tuuray  Dastuurka Xiligii la Qorayey,  Arinta Federaalka oo aysan dad badan Fahamsanayn,   Qaabka dunida looga dhaqmo iyo Arimo kale oo Xiisoo leh.

Xaq miyaa xiligan dhowaaqa kasoo yeedhay dhinaca  Puntland,  Gaar ahaan Baarlamaanka,  Muxuuse madaxwayne deni ka sheegay Shirkii Garoowe isagoo Muddo kooban Xilka haya ? Barnaamijka ayaad ku daawan doontaa.

Waxaa sidoo kale Qayb ka ah sida dalalka Marka hore darsay  Faderaalku ay u Maareeyeen , Waxna ugu Qaybsadeen, Tusaalle dalka Maraykanka gobolka ugu dhaqaalaha badan , dadkiisuna aadka u badan yihiin, wuxuu leeyahay 2 Kursi oo Aqalka Sare ah, Halka gobolka ugu dadka yarna uu leeyahay 2 Kursi oo Aqalka sare ah,  Waxayna muujinaysaa in Gobol wax lagu Qaybsaday, Balse Xildhibaanada Kale ayaa dadku soo doortaan.

Halkee ayay  ka baxeen Kuraastii gobolada Sool iyo Sanaag  Iyo Banaadir, Hadiiba  Aqalka sare lagu Qabsaday Gobol ahaan  ?.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top