WARARKA SOOMAALI

Daawo- Shirkadda Favori oo Hotel caalami ah ka dhisatay Garoonka Xamar-SAWIRO.

Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qorsheyneysa inay Hotel caalami ka dhisato gudaha garoonka, taasoo la sheegay in amni ahaan ay halis ku tahay garoonka.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Shirkaddan laga leeyahay dalka Turkiga ay iibsatay Dhismihii hore ama Terminalkii laga guuray ee garoonka iyo barxada ku dhow, halkaasoo ay ka dhiseyso Hotelka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Garoonka Diyaaradaha iyo Hey’adda Saadaasha Hawada ayaa walaac ka muujiyay dhismaha Hotelkan iyo halka laga dhisayo oo aanay munaasib aheyn, maadaama uu dacalka kaga yaalo qeybta Diyaaradaha ay soo fariistaan.

Buuq iyo is qab qabsi ka dhashay tallaabada ay Hotelka uga dhiseyso Shirkadda Favori ayaa waxaa soo fara geliyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi, waxaana la sheegay inuu difaacay in shirkadda ay hotelka ka dhisato Terminalki hore.

Dhismaha Hotelka ayaa durbaba la calmaadeeyay, iyadoo la geeyay alaabaha dhismaha Hotelka, waxaana halka laga dhisayo uu ku soo dhowaaday wadada aada dhanka Xalane iyo xarunta Saadaasha Hawada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray amar lagu farayo dhamana hey’adaha degan hareeraha dhabaha diyaaradaha caga dhigtaan, oo dhismayaal kala duwan laga dhistay, waxaana qorshuhu yahay in garoonka uu noqdo meel ammaan ah.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in hadii Hotelka laga dhiso goobta la calaamadeeyay ay dadka dega Hotelka waxyeeleyn karaan diyaaradaha halka ay fariisato oo gacan taag un u jira.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noqday meel ay cid kasta iska dhisato, waxaana sanadihii u dambeeyay ku soo kordhayay dhismayaasha ay shirkadaha shisheeye ka dhisanayaan dhulalka garoonka.

 

SOMALI NEWS

To Top