WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo cambaareeyay Qaraxyadii iyo Weeraradii maanta-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii iyo qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad rayid ah ku dhinteen.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay eheladooda wax ku noqdeen weerarkaasi.
Sidoo kale waxa uu Sheekh Shariif alle uga baryay dadka ku dhaawacmay weerarkan caafimaad deg deg ah.

HALKAN KA DAAWO KHASAARAHA QARAXA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Alle waxaan uga baryayaa naxariistii janno dhamaan dadkii halkaasi wax ku noqday oo uu kamid ahaa W/kuxigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa isa soo taraya cambaareynta weerarkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo mas’uuliyiin hore xilal uga qabatay dalka ay weerarkasi cambaareyeen una tacsiyadeeyeen eheladii dadkii ku dhintey weerarkan.

SOMALI NEWS

To Top