WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shaqaalihii Hawadda Soomaaliya oo maanta Dalka kusoo laabtay kadib mudo gaadhaysa 27 sano kadib iyo Sida wax u dhaceen-Video

Qaar ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO ee magaalada Nairobi ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho si ay hawlahooda uga bilaabaan caasimada dalka.
Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo horkacayay mas’uuliyiin soo dhoweysay shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay inay gaareysay 34 ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Maxamed Oomaar ayaa waxa kale oo uu sheegay in shaqaalahaan ay yihiin kuwo Khibrad duruqsan u leh arrimaha hawada oo ay ka shaqeynayeen muddo aad u dheer oo ka badan dhowr iyo labaatan sano.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulida hawada dalkeena.

SOMALI NEWS

To Top