WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sarkaal Daacish ah oo Xabsiga dhexe ee Muqdisho ku geeriyooday xog ku saabsan-Video

Muqdisho (HM)-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in sargaal katirsanaa Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya horeyna loogu riday xukun dheer oo xabsi ah uu ku dhax geeriyooday Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

HALKAN  KA DAAWO

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin oo heestay dhalashada Ruushka ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah kadib markii lagu helay in uu Daacish katirsanaa uuna doonayay in garab cusub aas aaso.

Sida aan Wararka ku helnay maxbuuskan ayaa xabsiga dhaxe ugu geeriyooday xanuun la sheegay in ay lasoo darseen, mana jiro ilaa hada faah faahin saraakiisha xabsiga Dhaxe ka bixiyeen geerida maxbuuskan.

Sargaalkan horey uga tirsanaa kooxda Daacish ee ku geeriyooday Xabsiga Dhaxe ayaa la sheegay in uu tagay dalka Siiriya, waxaa sidoo kale Maxkamada ciidamada sheegtay in uu warqad cabasho ah u qoray Hopgaamiyihii la dilay ee Daacish Abuubakar Al Bagdaadi.

Xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa waxaa horey ugu  dhax geeriyooday maxaabiis dhoor oo sanado badan ku xukunaa, maxaabiista Qaarkood ayaana la sheegay in loo heestay dambiyo la xariira argagaxisinimo.

SOMALI NEWS

To Top