WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaliland lagu dilay Gobalka Sanaag, Muxuu ka yidhi Muuse Biixi-Video

Laascaanod ( HM ) Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ayaa dil loogu gaystay Deegaano ka tirsan Degmada GAR-ADAG, Waxaana dilkooda Xaqiijiyey Ehelada Labada Sarkaal oo warbaahinta l ahadlay.
Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta Iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag ayaa Dilkan waxaa u gaystay Dablay Hubaysan.

Suldaan C.raxmaan Axmed Sh. Muxumed ayaa xaqiiyey in dilkaasi loo gaystay Labada Sarkaal, Wuxuuna sheegay inay ahaayeen Eheladiisa, Wuxuuna Suldaanku xusay in Dil Qorshaysan lagu dilay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah ka diray Geerida Saraakiisha, Wuxuuna laamaha amniga ku Faray inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Saraakiisha Jidka ay u galeen Dablay kasoo jeeda Beesha Bariga Burco (Habarjeclo) Waxaana la xusay inay inay kasoo jeedaan Gobolka Awdal Islamarkaana ay Nabad ilaalin u joogeen deegaanka Gar-adag.

SOMALI NEWS

To Top