WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo daah-furay Hay’ad ka shaqeyneysa Arrin muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay hay’addan bulshada, taasoo mas’uul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Ra’iisul Wasaare Rooble.

SOMALI NEWS

To Top