WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo 48 saac u qabtay Taliye Fahad Yaasiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow oo Caawa ah ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo NISA shaacisay in gabadhadaas ay dileen Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in murugada iyo welwelka ka dhashay xogta Hay’adda NISA ee geerida Ikraan Tahliil la qeybsanayo qoyska iyo Ehelada Ikraan iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in markii ay soo bilaabatay arrinka Ikraan uu si dhow ula socday kiiskeeda, isagoo xusay in hoggaanka Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA uu faray inay keenaan xog dhameystiran oo ku aadan kiiska, uuna siiyay waqti.

Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay xogta geerida ee NISA ka shaacisay Ikraan Tahliil, isla markaana si Cad u sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabadsugida, sidoo kalena aysan aheyn caddeyo ku filan kiiska.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin u qabtay in muddo 48 saac gudahooda uu kusoo gudbiyo Warbixin dhameystiran oo ku aadan Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana ballan qaaday in Ikraan heli doonto cadaalad.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top