WARARKA SOOMAALI

Daawo RW kheyre Muxuu ka yiri hub ka dhigista lagu bilaabay Madaxda DF & Saraakiisha….

Raisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu sheegay in uu si rasmi ah u bilaawday dhaqan galinta amarkii Golaha Wasiirada kasoo baxay 11-Bishan kaa oo lagu xadeeyay gaadiidka hubeeysan iyo hubka lagu ilaaliyo Mas’uuliyiinta.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ogolaa doonin in Muqdisho lagu heesto qoryaha culus oo magaalada lagu arkayo gadiid ay saaranyihiin ilaalo ku hubeesan qoryaha culus.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Howgal lagu dhaqan galinayo amarkaas ayuu sheegay in maanta ay bilaabeen hey’adaha Amaanka.

Hadalkaas ayuu ka sheegay kulan uu maanta la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Somalida kaa oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top