WARARKA SOOMAALI

Daawo- R/W Khayre oo ka qaybgalay shirweynaha IGAD & Arimaha laga hadlayo-SAWIRO.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo looga hadlayay xaalada Koofurta Sudan.

Shirkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa todobaad ka hor ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Madaxa IGAD, waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Sudan Omar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Uganda Yowere Museveni, Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, Wasiirda Arrimaha Dibadda Kenya iyo Jabuuti, wakiilo ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, UK, US iyo Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu Bulshada Caalamka u sheegay in Soomaaliya horusocod ka jiro iyo abuurista Nabad, si loo helo Nabad.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed qodobo badan ka kooban oo ku aadanaa xaalada Koofurta Sudan iyo sidii xal looga gaari lahaa, waxaa lagu soo dhoweeyay dadaalo nabadeed iyo xabad joojintii uu ku baaqay Madaxweyne Salva Kiir.

Waa markii u horeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qeyb galo shir madaxeedka IGAD, waxaa xusid mudan inta aanu qaban xilkan uu mar ka mid ahaa dadkii u sharaxnaa xilka Xoghayaha Guud ee IGAD oo dowladdii hore ay hor-geysay IGAD, balse la soo diiday.


SOMALI NEWS

To Top