WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ruushka oo Dhabarka ka jabiyey Trump iyo Go,aankiisa Qudus,Wararkii Caalamka-Video

 Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Putin ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

kulanka Erdogan iyo Putin ayaa noqonayo kii 8aad ee ay yeeshaan sanadkan, iyadoona  Xidhiidhka Turkiga iyo Ruushka uu xoogaystay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015.

 

SOMALI NEWS

To Top