WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay Shir Deg-deg ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu raadinayo xiisadaha dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdishu ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisusl Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu helayo qalalaasihii ka dhacay Caasimadda dalka, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Sido kale Rooble ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay xukuumaddiisa ay doonayso in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku qabsoomo Shirkaasi xalka loogu raadinayo Dagaalada ka socda Muqdisho.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Ra’iisul Wasaare Rooble.

SOMALI NEWS

To Top