WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra,iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomalia oo Itoobiya uga qayb galay Munaasibadda Qoomiyaddah iyo Khudbadda-Video

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, isagoo matalayay dowladda Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Samara ee gobolka Cafarta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo horay uga soo baxay Jaamacad ku taal Itoobiya ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku furay afka Amxaariga oo uu ku salaamay madaxdii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa salaan uu kaga siday Madaxweyne Farmaajo u diray dhamaan madaxda iyo shacabka qowmiyadaha Itoobiya, isagoo boggaadiyay horumarka.

 

SOMALI NEWS

To Top