WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xalay kormeeray qaar kamid ah Xaafadaha Muqdisho iyo wuxuu la kulmay-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyaan Wasiirada Amniga Gudaha, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaal ciidan ayaa kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho.

Kheyre iyo Xubnaha la socday ayaa u kuur galayay sida ciidamada amaanka uga howl galayaan Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Koontaroolada ciidamada ka joogaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa Warbixino ka dhageestay ciidamada amaanka ee ku sugan koontaroolada magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidanka uga warbixiyeen Ra’isul Wasaaraha sida loo sugo amaanka Caasimada.

Kormeerka uu xalay Ra’isul Wasaaraha soomaaliya ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili ciidamada ay inta badan xireen Wadooyinka magaalada Muqdisho sidoo kale mar kale dhagxaan lagu jaray wadooyinkii Jidcadayaasha ay horey dowlada u furtay.

SOMALI NEWS

To Top