WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxda dhaqanka ee G.Awdal oo ka xaal mariyey Shacabka Puntland hadalkii Qabyaaladda ahaa ee Faysal-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Salaadiin ka tirsan Issimadda Gobolladda Waqooyi Galbeed gaar ahaan isimadda dhaqanka ee Gobalka Awdal oo shalay shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Boorame waxay raali galin u direen guud ahaan Shacabka iyo Maamul Gobaleedka Puntland, ka dib jawaab culus oo ay ka bixiyeen hadal maalmo ka hor kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaliland Faysal Cali Waraabe kaas oo warbaahinta marsiiyey Hadal qabyaalad iyo Gef ah.

Salaadiinta la hadlay Warbaahinta waxaa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Cabdi Ibraahim Riiraash waxay Dhamaantood si wada jir ah raali galin uga siiyeen Ardeyda iyo Maamulka Jaamacadda Camuud hadalo kasoo hadaladii kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Odoyaasha ayaa sheegay inay magan u yihiin  Ardeyda iyo Qof kasta oo jooga magaalada Boorame,waxaana ka mid ahaa hadalkooda.            ”Ninka ka hadlay Hargeysa hadalkiisu mid idin quseeya maaha,mid aad dhagta u taagtaan maaha,waa saad u deganaydeen weeye,waa saad u doorateen weeye Boorame ama Hargeysa deganaada,hadalkaas wuxuu ahaa mid ka baxsan nidaamka” Ayuu yidhi mid kamid ah madaxda dhaqanka ee Gobalka Awdal oo Boorame warbaahinta kula hadlayey.

Salaadiinta ayaa fariin u direy shacabka iyo maamulka Puntland waxayna u sheegeen inaysan wax dhibaato ah la kulmi doonin cid kasta oo kaga sugan magaalada Boorame iyo Deegaanada kale ee Soomaliland.

Ugu dambeyntii Odoyaashu waxay hadalo dhaliil iyo cambaareyn isugu jirta u jeediyeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen hadalkiisu inuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka guud ee ka jira mandiqada Somaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top