WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabkii Dowladda Soomaaliya maanta u gubtay Qaadkii ay qabatay-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku gubtay qaad si qarsoodi ah lagu soo galin rabay Muqdisho kaasoo ka yimid dhanka Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gacanta lagu dhigo Qaad laga keenay dalka Kenya oo si sharci daro ah dalka loo soo galinayay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaadkan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde, iyadoo lagu soo dhex qariyay duulimaadyadii labada maalin ee ka soo degtay garoonka, mudadii ay dowladda fasaxday duulimaadyada Caalamiga ah.

Mr. Oomaar ayaa sheegay iney gubeen qaadkan, isagoo tilmaamay in labada maalin ay duulimaadyada u fasaxeen oo kaliya in lagu soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa garoomada Caalamka, taasi wixii ka soo harana aysan aqbaleynin ka Xukuumad ahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday iney joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, waxaana haatan shaqeeya oo kaliya diyaaradaha aada ama ka yimaada gobolada dalka.

Sababta ugu weyn ee arrimahan dhalisay ayaa ah ka hor taga faafitaanka cudurka safmareenka ah ee Carona Virus, waxaana dalalka uu saameeyay ka mid ah Soomaaliya oo Wasiirkeeda Caafimaad ay sheegtay in laga helay hal Kiis oo ah nin ka yimid dalka Shiinaha oo ah halka uu xanuunkan ka soo bilowday.

 

SOMALI NEWS

To Top