WARARKA SOOMAALI

Puntland oo xidhaysa xuduuda ay la wadaagto Somaaliland & Dowlad deegaanka Soomaalida-Video

Garoowe (HM)-War saxaafadeed maanta kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay go’aano adag oo looga hortagayo in uu soo gaaro kuna faafo cudurka Caronavirus deegaanada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland ayaa sheegtay in beri laga bilaabo la xirayo xaduudaha maamulka Puntland la wadaago Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalilad Itoobiya.

Waxaa sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha Puntland amar ku bixisay in beri laga bilaabo la joojiyo jaadka la keeno deegaanada Puntland si looga hortago halista Caabuqa Caronavirus oo soo gaaray gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

 

SOMALI NEWS

To Top