WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo ku dhagan Qatar iyo Baadhitaan ay ku bilowday dilka Maamulihii DP World-Video

Boosaso ( HM) Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhowaan soo bandhigi doonaan baaritaano ku aadan dhacdooyinkii Argagixiso ee ka dhacay magaalada Boosaaso, gaar ahaan dilkii Madaxii Shirkaddii maamuleysay Dekeda Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War saxaafadeed ku qornaa Luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in Puntland soo bandhigeyso baaritaanka dilkii Maamulihii Shirkadda P&O Ports Paul Anthony Farmosa.

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay Paul Anthony oo ahaa Madaxa Shirkadda maamuleysay dekeda Boosaaso oo hoos-tagta Shirkadda DP World, waxaana dilkaas sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Puntland ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Labada Aqal inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedeynta dowladda Qatar loo jeediyay iyo warbixintii lagu daabacay Wargeyska New York Times ee ahaa in Qatar ay ku lug leedahay qaraxii ka dhacay Boosaaso 11 bishii May ee sanadkan.

Puntland ayaa sheegtay inay gacan ka geysan doono baaritaanka eedeynta ka dhanka ah dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa beenisay inay warbixinta Wargeyska New York Times ee ahaa inay ka dambeysay qarax ka dhacay Boosaaso, oo ay fuliyeen maleeshiyaad danaheeda fulinayay, si ay meesha uga saaraan Imaaraadka Carabta.

SOMALI NEWS

To Top