Garoowe ( Horufadhi News)-Guddiga difaaca Puntland, ayaa si kulul uga hadlay Xaalada magaalada Laascaanood oo maanta ciidanka maamulka Somaliland ay ku dhaawaceen dad shacab ah, kadib markii ay rasaas ku fureen.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maamul Somaliland uu maalin kasta si badheedha ah ugu xad gudbayo shacabka gobolka Sool, Wuxuuna sheegay inaysan Puntland ka dulqaadan doonin oo Arintaasi ay Ficil ahaan uga Jawaab celin doonto.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in labadii haween ee lagu dhaawacay Laascaanod, iyagoo loosoo qaadi lahaa magaalada Garoowe, si loogu dabiibo in la celiyay loona diiday in Garoowe loo gudbiyo, Wuxuuna si cad u sheegay in Somaliland ay xabbad uga saaridoonaan magaalada Laascaanood.