WARARKA SOOMAALI

Daawo:-ONLF oo digniin u dirtay Cagjar xili uu socdo ololaha doorashada Itoobiya-Video

Muqdisho (HM)- Iyadda oo Itoobiya ay shaacisay in ay shidaal kasoo saareyso gobolka Soomaalida, ururka ONLF ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Heshiiskii nabadda uusan qayb ka ahayn arrintaas.

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Itoobiya ayaa tilmaamtay in Qoroxey iyo Shabeel oo Kalinka Shanaad kamid ah laga helay shidaal badan, kuwaas oo ay xustay in ay dhaqaalo badan kasoo xaroonayaan.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa horey u meelmariyey sharci kala caddeynaya qoondada ay gobolada ku yeelayaan kheyraadka, kaasoo ay ku cadahay in dowladda dhexe ay yeelaneyso qaybta ugu badan.

Cabdiraxmaan Mahdi Maadey, gudoomiyaha ONLF, ayaa wuxu caddeeyay in qadiyadda ku saabsan kheyraadka gudaha ay taagan tahay isla markaana ay kamid tahay ajandeyaasha wada xaajoodyadda mustaqbalka.

HALKAN KA DAAWO

“Waa arrin saldhig u ah heshiiskeena, waxyaabaha khilaafka keenay shidaalka ayaa kamid ahaa, waxaan qabnaa in 100-kun oo dadkeena kamid ah in shidaalkaas ay u dhinteen,” ayuu u sheegay VOA-da.

Sidda ku xusan warbixinta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, saliida laga helay gobolka Soomaalida waa midkii ugu badnaa taariikhda waddankaas aan badda lahayn.

Mr Maadey oo la waydiiyey qaabka ay u doonayaan in ay heshiis uga gaaraan qadiyadan ayaa tibaaxay in ay gelayaan “gorgortan”.

“Waa in aan wada xaajoodno, waa in aan gorgortano waa in shacabka laga qeyb-geliyo, dadkeena in ay ogaadaan weye,” ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: “Xataa hadii lasoo saaro, shidaalka in la isticmaalo waa loogu talogalay, waa in [laga wada hadlo] qaabka, meesha uu marayo, dhibaatada uu keensanayo, saamiga ayna noqoto wax daahfuran”.

“Wax guri dabadii lagu dhameyn karo maahan, waa arrin ka weyn weye,” ayuu carabka ku adkeeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Mahdi.

ONLF ayaa haatan ah xisbi u diiwaan gishan Guddiga Doorashooyinka Itoobiya, waxayna ka qeyb qaadan doonan coddeynta soo aadan.

Mr Maadey oo la waydiiyey hadii ay qorshaha ugu jirto in ay bedelaan magaca ayaa shuruud ka dhigay in ay “ka gun gaaraan halganka” oo uu ku tilmaamay in Soomaalida Itoobiya helaan metelaad sax ah.

Mas’uuliyiinta Kilinka Shanaad gaar ahaan maamulka madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa wuxuu uga digay in uu isku dayo in uu talada kusoo koobo isaga iyo xubnaha kale ee ku hareereysan.

“Urur mucaarad ah ayaanu nahay, laakiin mucaaradnimadeenu waa dhismo,” ayuu xusay, isaga oo ku daray: “Laakiin, taladda dalka waa mid lawada leeyahay, waana rajeynayaa in maamulka sidaas u garto”.

Digniinta loo diray Cagjar ayaa imaaneysa xili uu soo dhow yahay ololaha doorashadda Itoobiya, waxaana ONLF aysan qayb ka ahayn xisbiga uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo xisbiga degaanka ku biiray.

 

SOMALI NEWS

To Top