WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo ka jawaabay sababta uu Beeshiisa ugu taxay xilalka ugu sarreeya Soomaliland-Video

Hargeysa (HM) ―Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shalay daah-furey Imtixaanka Shahaadiga ah ee deegaanada Somaliland, ayaa waxa uu ka jawaabay su’aal ay warbaahintu ka weydiisay sababta uu Beeshiisa ugu taxay xilalka ugu sareeya ee xukuumadiisa.

Muuse Biixi ayaa wuxuu hore ugu eedeyn jirey Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, in uu dowladiisa xilalkii ugu muhiimsana uu ku taxay Beeshiisa, balse maanta waxa taasi badalkeeda u muuqata in Biixi laftigiisu eedihii uu Cigaal u jeedin jirey inay dowladiisa ka jiran.

“Waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo waxaan dhamayn 20-sano ka hor oo uu talada dalka hayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa aad ku jirtay siyaasiyiin la odhan jiray waa mucaarid, wakhtigaa inta aad madaxweynaha la hadashay adiga oo ku tilmaamaya in 70-jir talinayo, Adiga oo leh Maxkamadii Reerkaaga ayaa haya, Taliyihii Ciidanka Qaranka reerkaaga ayaa haya, Xeer ilaalintii reerkaaga ayaa haya, bal maanta adiga ayaa kursigii ku fadhiya da’du waa da’diisii, maxaad ka xasuusataa maalintaa aad ku eedaynaysay arintaa iyo maanta oo ay dawladdaada ka jirto?” ayey u dhigneyd su’aasha ay warbaahintu weydiisay Madaxweyne Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isagoo su’aashasi ka jawaabaya waxa uu yiri “Waxaan ka xasuustaa, waa runtaa da’du waa da’dii, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna Wasiirkiisa Daakhiliga ayaan ahaa, barigaa malaha waa laguu sheekeeye adigu maad joogine, Waa runtaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay, waxaan ugu canaantayna waxay ahayd qalad uu maalintaasi joogay baan ka qabanayey”.

“Khaladkaasi waxay ahayd markii salaadiintii badnayd ee reer Somaliland ay ku shireen guriga Suldaan Barre oo dad caqli xun intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha u tageene Taangiyada soo dhaqaaji, Taanigana ninkii u tagay ee qoladii watay ku idhi xaqaad u socotiin ayaan maanwaalanay”.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Maxamedna intaan ugu tagay gurigiisa ayaan intaa iyo in ka badana ku idhi, waayo waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee isaga qaban lahaa, maanta adigan wariyaha ahi ma cidbaad iga qabanaysaa, maxaad ii sheegaysaa, maanta ma cid aan weerarayo oo salaadiin ah ama baayac-mushtar ah oo guri ku jira oo la igu qaldo oo aan weerararo ayaa jira”.

“Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ninkii qaban lahaa ee Wasiirul Daakhiligiisa ahaa ee saaxiibka la ahaa ee talo ugu dhawaa baan ahaa ee intuu qabto odhanaya ka daa, waanu iga aqbalay waanu ka daayey, Somalilandna way ku nabadgashay oo waata halkaa ku maraysa”.

SOMALI NEWS

To Top