WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mustafe Cagjar oo sharaxay heshiiska qeybsiga kheyraadka ee ay la galeen Itoobiya-Video

Jigjiga (HM)-Madaxweynaha Somali State, Mustafa Cagjar, oo u waramay Universal Tv, ayaa shaaca ka qaadey in dowladda Itoobiya ay la galeen heshiis xeerinaya qeybsiga kheyraadka.

Wasaaradda Batroolka Ethiopia oo dhowaan ku dhawaaqday in degaanka Soomaalida laga helay shidaal badan ayaa tilmaamtay in lasoo saarayo loona iib-geyn doono caalamka.

Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin, Itoobiya ayaa shidaalkaas ka heli doonta balaayiin Doolar, oo ay uga kaaf-toomeyso deyn ay qaadato sanado badan.

Mustafa oo sharaxaya heshiiska kaasoo baarlamaanka Itoobiya uu meelmariyey ayaa xusay in uu yimid kadib kulamo ay caasimadda Addis Ababa kula qaateen madaxda federaalka.

HALKAN KA DAAWO

“Arrinta shidaalka markii annagu aanu nimid waxaa jira shirar is-dabajoog ah oo ka dhacay Addis Ababa,” ayuu Mustafa Cagjar yiri.

Wuxuu ku daray: “Hadda formalaha lagu heshiiyey qeybsiga kheyraadka waxa weye boqolkiiba 50 wixii kasoo baxa shidaalkaas oo laba qeybood loo qeybinayo, profit tax iyo royalty”.

“Royalty-gu waa lahaanshiyaha degaanku leeyahay shidaalkaas faa’iidana uu ku helayo oo lacag percentage ah; profit tax-guna waa markii la iib geeyo waxaan ku leenahay waxa dalka kasoo gala”.

Cagjar ayaa sheegay in labadaas qeyboodba uu ismaamulkoodu ku leeyahay 50%, halka 25% ay qaadaneyso dowladda federaalka, iyaddoo 25% kalena la siin doono gobolada aan shidaalka soo saarin.

“Boqolkiiba 25-ka ee la siinayo federaalka, qeybteena waan ku leenahay maadaama Miisaaniyadda guud lagu darayo,” ayuu xusay. “Marka waxaan u aragnaa formala fiican, hadii hirgeliyo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili dhowaan ONLF ay sheegtay in uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaarey qeybsiga kheyraadka.

Doorashooyinka

Dhinaca kale, Cagjar oo qiray in kala aragti duwanaan ay ka jirto Itoobiya marka ay timaado qabsoomida doorashooyinka sanadka dambe ayaa sheegay in degaanku diyaar u yahay.

Mar wax laga waydiiyey loolanka uga furmay gudaha maadaama xisbiyo badan oo mucaarad ah ay soo shaac-baxeen ayuu carabka ku dhuftay in xisbigiisa uu xifaaltanka diyaar u yahay.

ONLF, oo Kalinka Shanaad halgan ka wadday tan iyo 1991-dii, ayaa ah xisbiga ugu weyn ee mucaaradka. Olole ayayna ka bilaabeen gobolada hoostaga Soomaali Galbeed.

“Kaliya maahan ONLF, xisbiyo badan ayaa jira. Iyaddoo aan la gaarin doorashadii ayay bilaabeen wax u muuqda olole doorasho. Marka annaga ma qabno cabsi, waanu wadnaa ololaheena,” ayuu caddeeyay.

Ugu dambeyntii, Cagjar, oo xaqiijiyey khilaafkii soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, mas’uulka ugu sareeya Soomaalida ku metela federaalka, ayaa tibaaxay “in la xaliyey”

SOMALI NEWS

To Top